Ku dhawaad 2,000-kun oo Arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fariisanaya Imtixaanka Shahaadiga ee Wasaaradda Waxbarashada ka qaadeyso ardayda dhigata Dugsiyada sare ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
Imtixaanka ayaa waxaa lagu Galayaa Goobo kala Duwan oo magaalada muqdisho iyo Gobollada Dalka Qaar, waxaan imtixaanka Ilaalinaya Ciidamada Booliiska Dowlada soomaliya.
Madax ka Tirsan Dowlada Soomaliya ayaa ka qeyb galaya maanta oo ah maalintii koowaad ee ardeyda soomaliyeed u fariisanayaan Imtixaanka Shahaadiga.
Magaalooyinka Cadaado, Beladweyne , Gaalkacyo, Baydhabo, kismaayo oo ku yaalla bartamaha iyo koofurta dalka ayuu saaka si rasmi ah uga bilaabanayaan qaadista Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare.

