Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa saakay ku wajahan Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Wafdiga Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Shamarke waxaa kamid ah madax ka tirsan Urur Goboleedka IGad.
Ujeedka ugu weyn ee wafdiga Raisulwasaaraha Soomaliya ayaa lagu sheegay sidii wada-hadal loola furi lahaa Ururka Ahlusuna Waljameeca oo siyaad ahaa kasoo horjeeda Nidaamka ay Dowlada Soomaliya wax u Wajahayso Xiligaan.
Qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo wafdiga Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa haatan laga dareemayaa Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo sidoo kale si weyn loo adkeeyay Amaanka Magaalada.

