Howlgalkaan Oo Ay Fuliyeen Ciidanka Amaanka Maamulka Degmada Mahaddaay Ayaa Waxa ay Ka Sameeyeen Dhamaan Xaafadaha Ay Ka koobantahay degmadaasi.
Howlgalka Oo Bilaawday Shalay Ayaa Ciidankii Sameeynayay Waxa Ay Soo Gabagabeeyeen Maanta,Iyadoo Ay Kusoo Qabqabteeyn Dad Kor U Dhaafayay Boqolaal Ruux Kuwaasi Oo U Badnaa Dhalinyaro.
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Mahadaay Ee Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe Ee Doowlada Soomaaliya Oo Lahadlay Warbaahinta Simba Ayaa Ka Warbixiyay Howlgalka Isagoo U Jeedka Howlgalka Ku Micneeyay Inuu Yahay Sidii Loo Sugi Lahaa Guudahan Amaanka Degmada Mahaddaay.
Waxaa Uu Intaa Ku Daray Gudoomiye Afrax In Ciidanku Ay Sigaar ah ubartilmaam Sadeeyn Xaafado Ay Ku Tuuhsanayeen in Fariiisimo ay Kulahaayeen Ciidamo Katirsan Xarakada Al Shabaab.
Gudoomiyaha oo Sheegay In Lagu Soo Qabqabtay Dad badan Ayaa Tilmaamay In Qaarkood Lasiidaayay Qaarka Kalana Xabsi Loo Taxaabay kadib Markii Lala Xiririyay Inee Ka TIrsan Yihiin Xarakada Al Shabaab Sida Uu Hadalka U Dhigay.
Howlgalkaan Oo Ay Fuliyeen Ciidanka Amaanka Maamuka Degmada Mahadaay ayaa Saameeyn Waxa Uu Ku Yeeshay Isku Socodka Dadka Iyo Gaadidka Ka howlgala Degmada Mahadaay Waxaana Howlgalka Uu Daba Jooga Hadal Kasoo Yeeray Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada DHexe Cali Cabdullaahi Xuseeyn Cali Guudlaawe Kaasi Oo Faray Laamaha Amaanka Gobolka In Guud ahaan Degmooyinka Iyo Deegaanada Ay Maamulaan Inay Ka Fuliyaan Howlgalo Lagu Xaqiijinayo Amaanka.

