MD Xasan Sheekh”Qaladaad ayaa Ka Jira Hannaanka Caddaaladda iyo Garsoorka Dalka.”

0

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo u waramayay Warbaahinta ku hadasha afka Dowlada ayaa ka hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen nidaamka garsoorka iyo cadaaladda Dalka iyo hab-dhaqanka ciidamada dowlada ay kula dhaqmaan shacabka somaliyeed.

Madaxwayne xasan ayaa cadeeyay in qaladaad badan ay ka jiraan xiligaan nidaamka garsoorka dalka isagoo sheegay in ducfi bdan uu haysto laamaha cadaalada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in garsoorka dalka uu yahay hadda mid cusub madaama isbadal lagu sameeyay laamaha cadaalada isla markaana dowladu ay dadaal ku bixinayso sidii loo sixi lahaa waxyaaabaha ka qaldan garsoorka heer qaran iyo heer maamul goboleed intaba.

Dowladda iyo maamul goboleedyada dalka ayuu sheegay madaxwaynuhu in ay iska kaashan donaan hagaajinta qaladaadkaasi
Dhanka kale madaxwaynuhu waxa uu soo hadal qaaday habdhaqanka ciidamada dowlada ay kula dhaqmaan shacabka somaaliyeed Xiliyada ay Howlgallada sameynayaan Ciidank Dowladda Soomaaliya.

Waxa uuna xusay in ciidanku uu xiligan ku sugan yahay duruufo adag balse aanu sax ahayn in ciidanku ay sixun ula dhaqmaan shacabka.

Askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka dowlada ayuu sheegay in la ciqaabay qaarkoodna shaqada laga cayriyey ka dib markii lagu helay in ay si aan wanaagsanayn ay ula dhaqmeen dad shacab ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here