
Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM oo isku dhinac ah ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamada Midowga Africa ee Amisom oo Taageero siinayay kuwa Dowlada Soomaliya ayaa Duhurnimadii maanta gudaha u galay Deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose, Waxaana gabi ahaanba deegaanka isaga baxay Ciidamadii Al-shabaab.
Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dowlada Soomaliya ayaa sheegay in Ciidamada ay la kulmeen iska caabin kooban balse ay ugu dambeyn Gudaha u galeen deegaanka haatana ay ku sugan yihiin.
Ciidamadan, ayaa waxaa dhanka cirka ka kaabaayay diyaaradaha dagaalka Mareykanka, waxayna taasi suurta-gelisay in Shabaabku isaga baxaan Toora Toorow, oo sida la sheegay muhiim u ahayd.
C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ka mid ahaa Saraakiishii horkacaysay gulufka lagu wareegayay Toora Toorow, ayaa sheegay in awood xoogan ay ku maquuniyeen Al Shabaab.
Dhanka kale warar lagu baahiyay Baraha Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay dib ula wareegeen deegaanka isla markaana laga saaray Ciidamadii Amisom iyo kuwa Dowlada Soomaliya.
