Wararka naga soo gaaraya Degmada Buurdhoobo ee Gobalka Gedo ee Koonfurta Dalka Soomaliya ayaa ku waramaya in qarax xoogan uu maanta ka dhacay degmadaas.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada Soomaliya oo ku Shirayay Gudaha Degmada Buurdhoobo ee Gobalka Gedo.
Warar ay Idaacada Simba halayso ayaa tilmaamaya in Qaraxa ay ku dhaawacmeen Gudoomiyaha, Gudoomiye ku-xigeenka iyo Madaxii Maaliyada Degmada Buurdhoobo ee Gobalka Gedo.
Ilaa hada lama ogo cida sida rasmiga ah ugu dambeysay Qaraxa ay ku dhaawacmeen Mas’uuliyiinta ka Tirsan Degmada Buurdhoobo ee Gobalka Gedo, iyadoo sidoo kale ay inoo suurta gali weysay in aan qadka Taleefanka ku helno mas’uuliyiinta Degmada.

