Al-shabaab oo Weerar Qasare dhaliyey Maanta Ku qaaday Ciidamo Dowladda Ka Tirsan oo Marayey G/Bakool.

0

Deegaanna u dhexeeya degmooyinka Rab-dhuurre iyo Xudur oo ka wada tirsan gobolka Bakool Maanta Waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib Markii Ciidamo ka tirsan Dowladda soomaaliya oo marayey inta u dhexeysa Degmooyinkaasi ay weerar dhabba gal ah ay ku qaadeen ciidamo Al-shabaab ah oo ku dhuumaaleysanayey deegaanada dagaalku ka dhacay oo ah goobo Hawd ah oo aysan cidna dagganeyn.

Waxaa Muddo saacado ah qaatay dagaal dhaxmaray labada dhinac kaasi oo la sheegay inuu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada Maanta halkaa ku dagaalamay.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool  Aadan cabdi Maxamed ayaa u sheegay Radio Simba in Maanta dagaalka dhacay uu geystay qasaare kala duwan oo soo gaaray labada dhinac,dhankooda ayuu sheegay inuu ka dhaawacmay hal askari dhanka shabaabkana ay ka dileen dhawr askari dhawr kalena ay ka dhaawaceen Sida uu yiri.

Waxaa kusoo noq-noqday deegaanno ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool weerada Al-shabaab ay ku qaadayaan Ciidank Dowladda soomaaliya iyo Kuwa Amisom xilliyada ay ku Safrayaan degmooyinka Goboladaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here