Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Maamulka Galmudug Maanta Ciidamada Maamulkaasi Waxaa ay Ku Qabteen Gaadiid nuuca Xamuulka ah oo waday ku dhawaad 100-ruux oo dhallinyaro ah kuwaasi oo la sheegay in ay kusii jeedeen deegaanada Maamulka Puntland gaar ahaan Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Waxaa Masuuliyiinta Maamulka Gamudug ee dhanka Ciidanku ay sheegeen in dadkaan la qabtay ay isugu jireen dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan Xarakada Al-shabaab eek u sugan Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari ee Puntland iyo Kuwa kale oo la sheegay in ay doonayeen in ay Tahriibaan.
Taliyaha ku-xigeenka Saldhigga Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado Cumar Macallin Cali oo Maanta Warbaahinta Kul Hadlay Magaaladaasi ayaa sheegay In dadkaan ay la socdeen gaadiidka waaweyn oo gaaraya dhawr gaari kuwaasi oo ciidanku ay ka warheleen sidaana ay ugu suuragashay in ay gacanta ku dhigaan.
Taliye ku-xigeenka oo sii hadlaya ayaa waxaa uu sheegay in dadkaan baaritaanno kala duwan lagu sameyndoono haddana ay gacanta ugu jiraan ciidanka ammaanka ee Galmudug dhawaanna ay ku wareejindoonaan masuuliyiinta qaabilsan dambi barista ee maamulkaasi.
Dhanka Kale Taliye Cumar Macallin ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanka Galmudug ay Joogteynayaan howlgalada amniga lagu xaqiijinaayo oo ah sida uu sheegay amar kasoo baxay Madaxda Sare ee Maamulk goboleedka Galmudug,waxaana uu sheegay in ciidanku ay sidoo kale bilaabeen qab-qabashada dadka ku lugta leh dagaallo beeleedyada ka dhaca deegaanada Maamulka Galmudug,haddana ay hayaan dad ku eedeysan falkaasi.

