Wasaarada Waxabarashada Xukuumada Soomaliya ayaa ku dhawaaqday xiliga loo fariisan doono Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyada sare ee dalka.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada dalka Xaamud Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay 28-bishaan in si rasmi ah loogu fariisan doono imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyada sare ee dalka.
Xaamud Cali Xasan ayaa ku wargaliyay waalidiinta iyo daladaha Waxbarashada inay sidaasi ula socdaan, islamarkaana Ardeyda loo baahan yahay inay soo xaadiraan xarumaha loogu talo galay qaadista Imtixaanaadka dalka.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada dalka Xaamud Cali Xasan ayaa meesha ka saaray in uu dib u dhac ku yimaado waqtigii loogu talagalay qaadista Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyada sare ee dalka.
2,000 (Labaatan kun) oo Arday ay ka qaybgalayaan sanadkaan Imtixaanaadka Wasaarada Waxbarashada Somaliya ay qaadayso.

