Ciidamada Difaaca ee Dawalada Kenya ayaa sheegay in shalay gelinkii dambe duqayn dhinaca cirka ay ku bartilmaameedsadeen Xarumo Al shabaab ay ku leeyihiin Gobolka jubadda Hoose ee koofurta Somliya.
Dawlada Kenya ayaa tilmaamtay in diyaarahada dagaal oo ay leedahay ay duqeeyeen tuulo lagu magacaabo Berxani oo fariisin u ah xoogag ka tirsan alshabaab taas oo qiyaastii 65km dhinaca koofureed ka xigta magaalada kismaayo.
Kenya ayaa sheegtay in goobtaas ay Alshabaab u isticmaali jireen meel ay kasoo abaabulaan islamarkaan uu u ahaa saldhig muhiim ah.
Dad goob joogayaal ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay werarkaan inkasta oo aan la ogayn ilaa iyo hadda qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Ciidamada Kenya ayaa waxaa ay ka mid yihiin hawlgalka amisom ee Somalia waxa ayna duqaymo dhinaca cirka ka geystaan meelo badan oo ka mid ah koofurta Somalia.

