Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay Kulan uu soo qaban qaabiyay Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka oo loogu doodayay erey bixinta ku saabsan doorashooyinka oo dhawaan la filayo in ay dalka ka dhacaan.
Kulankan waxa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Arrimaha gudaha, tacliinta sare, quburo ku xeel dheer afka Hooyo, ururrada bulshada rayidka, Wakiilo ka socday UN-ka iyo xubno kale, erey bixinta ku saabsan doorashooyinka, ayaa loogu dooday si bulshada Soomaaliyeed ay wax badan uga fahmaan macnaha doorasho ay tahay.
Kulanka intuu socday ayaa lagu soo bandhigay 30 erey oo laga soo turjumay luuqado kale, waxaa inta badan laga dooday ereyada lasoo bandhigay kuwaasi oo ay macno ahaan soo diyaariyeen qoroyaasha kala ah Axmed Faarax Idaajaa, Yuusuf Garaad Cumar iyo C/fataax Cabdullaahi Gacmo dheere, iyadoo Yuusuf Garaad iyo C/fataax Gacmo dheere ay ka goobta ka soo jeediyeen waxa ay soo diyaariyeen.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Cismaan Xaliimo Yareey oo Warbaahinta la hadashay ayaa tilmaamtay in quburadii ka qeyb galay kulanka ay maanta ka doodeen 30 erey, ayna joogteynayaan qabashada kulamada nuucaani oo kale ah si loo bayaaniyo ereyo doorasho.
Dhawaan Soomaliya waxaa la filayaa in ay dhacaaan Doorashooyinka qaran.















