Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo Wareysi siiyay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku Eedeeyay Madaxda Dowlada Soomaliya iyo kan Maamulka Gobolka Banaadir in ay goob Joog ka ahaayeen halkii lagu duudsiinayay Maqaamka Caasimada ay ku laheed Aqalka sare.
Tarsan ayaa tilmaamay in 6-xubin ay kasoo hartay 54-xubnood ee aqalka sare loona baahnaa in lixdaas xubnood lagu cadeeyo in Caasimada ay leedahay xiligii ay socdeen kulamada Madashada wada-tashiga Qaran ee Dalka.
“54-xubnood ee Aqalka Sare waxaa kasoo haray 6-xubnood meesha lagu kala qeybsanaayay waxaa ku sugnaa Madaxda Gobolka Banaadir markaas ayaa loo baahnaa in ay ka hor yimaadaan ayna dhahaan lixdaas xubnood waxaa iska leh Gobolka Banaadir balse taasi ma dhicin ayuu yiri Siyaasi Tarsan”.
Dhanka kale Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku Eedeeyay Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira in aysan Qiimeeneenin sharafta ay leedahay Casimada ayna u maleeyaan in ay tahay goob Qabiil uu leeyahay.
Hadalka Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa kusoo beegmaya xili 54-ka xubnood ee Aqalka sare la Shaaciyay in loo badiyay Maamulada Puntland iyo Somali-land.

