Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Sooomaliya ayaa maanta booqasho ku tagay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.
Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa u Kuur-galay xaaladaha ay ku nool yihiin Dhalinyarada ku Xiran Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho wuxuu Tilmaamay in nolol fiican ay Dhalinyarada ku haystaan Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.
“Xaalada Xabsiga Dhexe ka jirta waa mid aad u Wanaagsan, Xiligii aan Wasiirka ahaa oo kormeer ku imid Xabsiga waxaa ka jirtay Xaalad aad u Wanaagsan mahadaas waxaa iska leh Mas’uuliyiinta Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale Magaalada Muqdisho kula Kulmay Maanta Mas’uuliyiin ka Tirsan Taliska AMISOM isagoo kala hadlay sidii maamulkiisa loogu gacan siin lahaa la Dagaalanka Al-shabaab oo wali ku sugan meelo kamid ah Gobolka Galgaduud.
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Maamulka Galmudug u magacaabay Sarkaal noqon doona Taliyaha Ciidanka Asluubta Maamulkaasi,









