Taliye Xaamud:- Cid aan Salaada Tukanin Kama Mid Noqonayso Ciidamada Booliska Soomaliyeed

0

Madaxweynaha  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Juba-land ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasad Tababar loogu soo Xirayay Cuntubyo ka Tirsan Ciidamada Booliska Juba-land oo ka dhacday Duleedka Magaalada Kismaayo.

Munaasabadan oo aheyd mid si heer sare ah loosoo Agaasimay  ayaa Ciidamada Booliska Dowlada Goboleedka Juba-land  waxa ay kusoo Bandhigeen gaado ka Ciyaar iyo dhamaan Farsamooyinkii la baray waxaana u riyaaqay dhamaan kasoo qayb galayaasha munaasabada.

Ugu horenyii Madaxweynaha Maamulka Juba-land  axmed Maxamed islamaan (axmed Madoobe) oo munaasada hadal kooban ka jeediyay ayaa ugu baaqay Ciidamada Tababarka loosoo xiray in ay waajibaadkooda u gutaan sidii loogu talagalay isla markaana aysan ku Xadgubinta Shacabka ay u adeegayaan.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa cadeeyay in aysan Ciidamada Booliska kamid noqon doonin Cid aan Tukanin Salaada Alle isla markaana Taliska uusan qori doonin Dadka Taariku salaadka ah.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here