Wararka Ka imaanaya Degmada Caabud-waaq ee Woqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Caawa halkaasi ay ka jirto Xiisad dagaal ka dib markii Maanta Degmadaasi Siyaabooyin kala duwan loogu dilay dad ku sugnaa degmadaasi.
Ruux Hubaysan ayaa la sheegay inuu halkaa ku dilay afar ruux oo ka mid ah dadka ku nool degmada Caabud-waaq kuwaasi oo la xaqiijiyey in aanooyin qabiil uu u dilay.
Ruuxan dilka geystay ayaa waqtiyo kala duwan dilalka geystay sida dad goobjoogayaal ah ay u xaqiijiyeen Radio Simba Muqdisho.
Masuuliyiinta Maamulka Degmada Caabud-waaq oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay wax faahfaahin ah ka bixiyaan dilalka aanooyinka qabiil ku saleysan ee Maanta ka dhacay degmadaasi.
Degmada Caabud-waaq ayaa waxaa dhawr Mar ku dagaalamay Maleeshiyo beeleed kala taabacsan Beelo wada daga degmadaasi,Waxaana dhawr Mar guul dareystay dadaallo lagu doonayey in lagu xalliyo dagaalka mudada dhaxmaraya beelaha halkaasi wada daga.

