Xafiiska Wasaaradda Arrimaha dibada ingiriiska ayaa sheegay in 16 -wadan oo safka hore uga jira xad gudubyada xuquuqda aadanaha ay ka faaideysan doonaan tababarkaan.
Dawlada Britain ayaa sheegtay in ay siindoonto tababar milatari iyo mid kale wadamadaan safka hore uga jira ku xad-gudubka xuquuqda dadka.
Wasiirka Difaaca ee Ingiriiska ayaa tilmaamay in Ciidamada ingiriiska ay tababari doonaan ciidamada milatariga ee wadamada Afghanistan, Bahrain, Bangladesh, Burma, Burundi, China, Colombia, Egypt, Iraq, Libya, Pakistan, Saudi Arabia, Somalia, Sudan, Yemen and Zimbabwe inkastoo rikoor sare oo dhinaca xad gudubkaa uu ka jiro wadamadaas sida lagu yiri warbixinta.
Arrintaan ayaa timid maalmo kadib markii boqortooyada ingiriisku ay sheegtay in ay kor dhinayso tababarka dhinaca milatariga ee ay siiso dawlada Cumaan inkastoo dawladaas aysan ku jirin wadamada lasheegay in ay ku liitaan xuquuqul insaanka.
Wasiirka difaaca Britain Michael Fallon ayaa hoosta ka xariiqay in dawlada Cumaan ay tahay dawlad ay saaxiibo yihiin uk si aad u dhowna ay ula shaqayn doonto Ciidamada milatariga ee dalkaas.

