Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay in cuntada gargaarka ah ee loogu talagalay wadamada ay dhibaatadu ka jirto ay imaan waanyaan waqtigii loogu talagay.
Illaa iyo 50Million oo qof oo ku nool Africa ayaa la tilmaamay in ay gargaar cuno oo degdeg ah u baahan yihiin wadamadaas oo ah ku ay saamaysay Cimilada El Niño Qaramada midoobe iyo Wadamada lagu magacaabo deeq-bixiyayaashuna waxa ay ka digayaan arrintaas.
Sanadkii labaad ayaa abaar aad u daran waxa ay ku dhufatay koofurta iyo bariga Africa taas oo sababtay in dalagii ay ku tiirsanaayeen dad badan oo Afrikan ah ay aad hoos ugu dhacaan, biyuhuna ay ku yaraadaan meela badan taasoo lasheegay in ay usii dheertahay sicir barar,
Waxaa warbixinta lagu sheegay in arrintaas ay ka dhalatay in 31-million ay u baahdaan gargaar cuno halka 2o-million oo kalana la rajaynayo in ay dhowaan cuntadu ka dhamaato.
Dadka dhibaatadaan wajahaya ayaa waxa ay ku kala noolyihiin Somalia,Ethiopia, Koonfurta Sudan, Yemen iyo Wadamo kale.
Sidoo kale wadamada Malawi, Mozambique, Lesotho, Zimbabwe, Namibia, Madagascar, Angola iyo Swaziland ayaa waxaa lagu dhawaaqay xaalad degdeg ah.
illaa iyo bishii july ee sanadkii hore dalka Britain ayaa gargaar gaaraya £150m ugu deeqay wadamada ku saamoobay cimilada El Niño wadamadaas oo ay ku jiraan Malawi, Ethiopia, Kenya Mozambique, Somalia iyo Uganda.

