Xildhibaan Max’ed Max’ud Goodir oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in qaar kamid ah maamulada dalka ka jira ay xubno badan ku leeyihiin Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaliya.
Max’ed Max’ud Goodir ayaa tilmaamay in maamulada Puntland iyo Somali-land la siiyay xubno badan sidaas darteed la waayay Gobolka Banaadir xubnihii uu ku lahaa Aqalka sare ee Baarlamanka soomaliya ee soo socda.
“54-ta xubnood ee Aqalka sare waxaa loo qeybinayaa 18-ka Gobol ee dalka, dalka maamulo waxaa jira leh Gobolo kooban , Puntland iyo Somali-land ayaa loo badiyay xubnaha Aqalka sare sidaas darteed waxaa meesha ka baxay Xubnihii Gobolka Banaadir”. ayuu Yiri Xildhibaan Max’ed Max’ud Goodir.
Dadka ku Nool Goboka Banaadir ayaa dhawaan xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka hor dhigay banaanbax ay ku dalbanayeen Maqaamka Gobolka Banaadir iyadoo wali ay socdaan kulamo loogu hadlaayo Aqala sare.
Dhanka kale Maamulka Juba-land oo war soo saaaray ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uusan xubno kuu yeelan Karin aqalka sare ee baarlamanka soomaliya.

