Lacago La Dhul Dhigay Dadkii ka Dambeeyay Dab La Qabad Siiyay Xarun ay ku kulmayeen Bulshada Somaliyeed ee Magaalada London.

0

Dowlada Ingiriis ayaa sheegtay in Lacag gaaraysa £5,000 in lasiin doono cidkasta oo keenta xog lagu soo qaban karo dadkii ka dambeeyay dab laqabad siiyay xarun lagu magacaabo Al-Rahma Islamic Centre taasoo ay leeyihiin isla-markaana ay ku kulmaan bulshada Somaliyeed ee ku dhaqan woqooyiga Magaalada London.

Xuntaan ayaa kooxo aan haybtooda la aqoonsan ay dab qabad siiyeen bishii june sanadkii 2013 lamana oga illaa iyo hadda sababta ka dambaysay falkaas.

Dhismahaan oo ku yaala wadadda lagu magacaabo Coppetts ayaa la tilmaamay in dab laqabadsiiyay saacadihii hore ee 5tii bishii june sanadii 2013-kii,dabkaas ayaa la sheegay in uu bur-buriyay guud ahaanba dhisma inkastoo oo aan la sheegin wax dhaawacyo iyo dhimasho ka dhalatay midna.

Sawiro ay qaaday kamarada ammaanka loogu talagalay ee CCTV ayaa lagu arkay gawaari nuuca raaxada ah goobta ka agdhowaa xiligaas kuwaa oo ilaa iyo hadda boolisku ay sheegayaan in ay ku dabo jiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here