Xubno ka socda Qaramada midoobe ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in ay booqdaan dalka masar halkaas oo ay kula kulmi doonaan xoghaya guud ee jamacadda carabta, waxaana ay ka wada hadli doonaan Arrimaha kusaabsan Doorashooyinka dalka Somalia.
Xubnahaan ka socda Qaramada midoobe ayaa maalintii jimcihii waxa ay magaalada nairobi kula kulmeen madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta waxa ayna kala hadleen Qaxootiga Somaliyeed ee ku jira xerada Dhadhaab in aan qasab lagu celin.
Madaxweynaha Golaha Aammaanka ee Qaramada Midoobe iyo Ergaga dalka masar u qaabilsan Qaramada midoobe ayaa waxa ay tilmaameen in ay aad uga walaacsanyihiin go’aanka ay dowlada Kenya ku gaartay in ay xirto xerada Dhadhaab taasi oo loo aqoonsanyahay in ay tahay xerada ugu weyn aduunka ee qaxooti uu ku noolyahay

