Maamulka Al-shabaab ee Gobolka Hiiraan oo ku Baaqay Joojinta Dagaal Beeleedka ka Socda Beledweyne

0

Maamulka Xarakada Al-shabaab  ee Gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaal  beeleedka ka socda xaafada Holwadaag ee Galbeed Magaalada Beledweyne.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Al-shabaab ugu magacaaban  Sheekh Guuleed Abuu Nabhan oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Andalus ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada maalmihii lasoo dhaafay sida xiriirka ah uga dhacayay magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.

Sheekh Guuleed Abuu Nabhan ayaa tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in dhiig lagu daadiyo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, baaqna waxa uu u direy Odoyaasha ku dhaqan Magaalda Beledweyne oo ku aadan ka qeyb qaadashada daminta Colaada Xaafada Holwadaag ee Magaalada Beledweyne.

Maalmihii dambe waxaa ka socday Magaalada beledweyne gaar ahaan Xaafada Howlwadaag Dagaal u dhaxeeyay Labo Labo meeleeshiyo beeleed oo walaalo ah kuwaasi oo qilaaf uu soo kala dhaxgalay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here