Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud oo Xalay ka qeyb galay kulan Su’aalo lagu Weydiinayay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ay Wafdi sare u diri doonto Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo maalmihii dambe ay ka socdeen dagaalo beeleedyo.
Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ay aad kaga xun tahay dagaalka kusoo laab-laabtay Magalada Beledweyne oo ay ku dhimanayaan Dhalinyarada, Haweenka, iyo Caruurta taasi oo u dheer tahay Fatahaada Wabiga Shabeelle.
“Dowlada Soomaliya wafdi ayay u diri doontaa Magaalada Beledweyne si ay u xaliyaan dagaalada ka Socda Magaalada Beledweyne dowlada soomaliya way ka xun tahay wax ka socda Magaalada Beledweyne ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay Dhalinyarada Soomaliyeed in ay hal meel ugu soo wada jeesteen dagaalka lagula jiro Al-shabaab si meesha looga saaro Fikirta Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa hadaladaan ka jeediyay kulan ay dhalinyaro soomaliyeed su’aalo ay ku weydiinayaan Xalay,

