Qaramada midoobe ayaa sheegtay in aysan Gaari karin hadafkeedii ahaa in ay dib u laabtaan in badan oo ka mid ah Qaxootiga Somaliyeed ee ku jira Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya.
sida uu qoaray Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya 13,440 qof oo ka mid ahaa qaxootiga kunool xerada Dhadhaab ayaa si iskooda ah dib ugu soo laabtay Somaliya muddo 18 bilood ah sida ay sheegeen saraakiil u hadlay Qaramada Midoobe.
Taas ayaa waxaa lasheegay in ay ka dhigantahay in aysan suurtagal ahayn hadafkii ay leheed Qaramada Midoobe oo ahaa in dib loo celiyo dad gaaraya 65,000 sanadaha 2016 illaa 2017 sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan dib u cilinta qaxootiga Somalida ah ee ku jira xeryaha buux dhaafay ee ku yaala woqooyi Bari dalka Kenya.
Sanadkii 2013-kii ayay ahayd markii dalka Kenya lagu saxiixay heshiis seddex geesood ah oo ay siwada jir ah u saxiixeen Somalia,Kenya iyo Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qarmada Midoobay ee UNHCR.
Dib u laabashada qaxootiga Somalida ayaa lasheegay in hoos u dhac uu ku yimid dhowrkii bilood ee u dambaysay, waxaana loo aanaynayaa sababa dhowr ah oo ay ka mid tahay dalka soomaliya oo weli aysan ka jirin xasilooni buuxda iyo roobab ka bilowday dhowaan xuduuda u dhaxaysa Somalia iyo kenya.
Ku dhawaad nusmalyuun qof ayaa la sheegay in ay ku noolyihiin xerada Dhadhaab ee ku taala Gobolka waqooyi bari ee dalka kenya kuwaa u badan Somali halkaa oo mudo dheer ay ku noolaayeen.
Source:-Daily nation

