Wasiiro Maanta Booqday Garoonka Kubada Cagta Muqdisho Stadium+Sawirro

0

Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada Soomaliya ayaa maanta kormeer ku tagay Garoonka Kubada Cagta Muqdisho Stadium oo fariisan u ah Ciidamada Midowga Africa ee Amisom

Wasiirka Amniga Somaliya, Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo ay wehlinayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Soomaliya, Maxamed C/laahi Xasan,  Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Guddiga Ciyaaraha Gobolka Banaadir, ayaa ahaa mas’uuliyiintii maanta kormeerka ku tagay Garoonka.

Ugu Horeyntii Gudoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir, Xasan Aadan Yabarow, ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in ay arkaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaliya oo booqasho ku imaanaya Garoonka Muqdisho Stadium  oo ah  Garoonka ugu  weyn soomaliya.

Maxamed C/laahi Xasan, (Nuux) Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha,  Xukuumada soomaliya ayaa ganacsatada Somaliyeed  ugu baaqay inay maalgashi ku sameeyaan Garoonka Stadium Muqdisho, oo ah garoonka ugu weyn soomaliya.

Ugu Dambeyntii Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada  Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in mudooyinka soo socda ay ciidamada amisom ka bixin doonaan xarunta Garoonka Muqdisho Stadium oo fariisin ay ka dhigteen kadib dagaaladii ka dhacay xaafadaas.

1463579621acc13 1463579629cc2cb 1463579630dfcc0 1463579662de526 1463579665a495e 1463579668ecab5 1463579672ac930 1463579675c33db 14635796243c4a7 14635796261a967 14635796278b6cf 14635796786c3a2 146357962549d7e 146357963001b28 14635796776068b 146357962377859 146357962807177 146357966333519

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here