Madaxweynaha maamulka Somali-land Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) oo qudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Munaasibadda 25-guuradda ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Somali-land ayaa fariin u direy Dowlada Dhexe ee Soomaliya.
Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo) Madaxweynaha Somali-land ayaa sheegay in maamulka Somali-land uu yahay maamul ka madax banaan Soomaliya inteeda kale islamarkaana mudada soo socota uu noqon doono Maamul laga aqoosado Caalamka oo dhan.
“Somali-land waa mid madax-banaan isla markaana ah dal haysta dhul, Ciidan , Cudud, Xukuumad, iyo waliba xeerar ay ku dhaqmaan, waxaan u sheegayaa madaxda Dowlada Soomaliya in ay faraha kala baxaan Arrimaha Soomalia-land ayna ixtiraam u muujiyaan,
Ugu dambeyntii Maaxweynaha maamulka Somali-land Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa sheegay in Somaliland ay soo martay marxalado adag oo ku salaysan sidii ay xornimadeeda ula soo noqon lahayd xornimadii lunty 1960 hadana tahay Somaliland dal madax banaan.

