Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in ay diiwan galisay 44-kiis eedeymo tacadiyo galmo la xiriira oo Ciidamada Nabad ilaalinta ay ka geysteen Wadamada ay ku Suganyihiin.
Afhayeenka Qaramada Midoobe Stephane Dujarric ayaa sheegay in sanadkaan 2016-ka la diiwaan galiyay 29-kiis oo la xiriira galmo ay geysteen Ciidamada Nabad ilaalinta ee ka socda Qaramada Midoobe ee ku sugan wadamada Jamhuriyada afrika dhexe, Congo, Haiti, koonfurta Suudaan, Ivory Coast, Mali, Libiya iyo Bariga Dhexe.
Mudane Stephane Dujarric ayaa tilmaamay in wadamada ugu badan ee eedamaha Galmada ee geystaan Ciidamada Qaramada Midoobe ee la diiwaan galiyay ay kamid yihiiin Wadamada Jamhuriyada Afrika dhexe, iyo Congo.
Qaramada Midoobe ayaa bishii March aynu soo dhaafnay ee sanadkaan 2016-ka diiwaan galisay 108-kiis oo xadgudubyo galmo lagula kacay Gabdho iyo Haween ku noolaa wadamada Jamhuriyada afrika dhexe, iyo Congo.

