Ciidamada Nabad Sugida Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa xalay Gudaha degmadaas ku toogtay nin Bastoolad iyo Bambooyin ku hubeysnaa, kaasi oo Qof shacab ah dilay kadibna Bam Gacmeed ku tuuray dad ku sugnaa Gudaha Degmadaasi.
C/fitaax cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dowlada soomaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninka la toogtay uu iska caabin kala horyimid Ciidamada Nabad sugida Degmada Heliwaa markuu falka dilka dhacay kadib.
Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada ay ku amreen ninka falka dilka geystay in uu is dhiibo balse uu taas ka dhaga adeegay, ugu dambeena ay ciidamada Nabad sugida toogasho ku dileen.

