Waziirka arimaha dibada Kuwait Shiikh Sabaax Khaalid Al-Xamda Al-Sabaax ayaa sheegay in xukuumadda Kuwait ay Dowlada Soomaaliya ka gacan siineyso la dagaalanka Al-Shabaab.
Waxa uu intaasi kusii daray Shiikh Sabaax Al-Khaalid in kulan lagu xoojinayo tababarada iyo taageerista ciidamada dowladda uu la qaatay waziirka arimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye iyo waziirka gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sh.Cali Diini.
“Shacab iyo Xukuumadda Soomaaliyeed waxaan la jecel nahay in ay helaan nabad galyo waarta, waa in aan ka qeyb qaadanaa la dagaalanka ururada Xag jiriinta sida Al-Shabaab” sidaana waxaa yiri waziirka arimaha dibada kuwait Shiikh Sabaax Khaalid.
Dhinaca kale waziirka Gaashaandhigga Soomaaliya General C/qaadir Shiikh Cali Diini ayaa soo dhaweeyey taageerada Kuwait ay siineyso ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Wakaaladda wararka u fidisa wadanka kuwait ee KUNA ayaa sheegtay in kulankaani uu ahaa mid muhiim u ah xiriirka labada dowladood waa Kuwait iyo Soomaaliya.
Dowladda kuwait ayaa dhowr jeer taageero u fidisay soomaaliya waxa ayna taageerada ay bilaabeen sanadkii 2011-kii oo xiligaasi dalka ay ku dhufteen abaaro xooggan.





