Wararka Saakay ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in dagaal beeleed u dhaxeeya Labo maleeshiyo in uu mar kale ka bilowday Xaafada Holwadaag.
Dad ku sugan Xaafada Holwadaag ee Magaalada Beledweyne ayaa idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in dagaalka uu bilowday aroortii hore ee saakay isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadii kala duwan.
Dadkii ku sugnaa Xaafada holwadaag ayaa bilaabay in ay barakacaan
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo xalay la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la xaliyay dagaalka ka dhacay xaafada holwadaag ee Magaalada Beledweyne isla markaana kulan loogu hadlaayo dagaalo beeleedyada uu ka furmay isla xalay Magaalada Beledweyne.

