Gudoomiyaha iyo Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed ee Nusoj oo La Doortay

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Xarunta Hoteel City Place ayaa ku waramaya in musharax Maahir Jaamac aadan uu  ku guuleystay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed ee Nusoj

Musharax Maahir Jaamac Aadan iyo Aadan Maxamed Salaad(Aadan Kismaayo) oo ku tartamayay Hogaanka Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta qaranka soomaliyeed ee Nusoj  ayaa kasoo gudbay wareegay 1-aad ee Tartanka, waxayna mar kale ku tartameen wareega Labaad.

Wareegii labaad markii la codeeyay kadib Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay in musharax Maahir Jaamac Aadan uu ku guuleystay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed ee Nusoj kadib markii uu helay codod gaaraya 93-cod.

Guddoomiye Ku Xigeenka 1-Waad Ee NUSOJ waxaa loo doortay Muxudiin Xusni, Halka 2-Aad isna loo doortay C.fataax Xasan Faarax, waxaana Doorashada ku dhamaatay guul taariikhi ah.

Dhanka kale  Rug-cadaa Saxaafadeed Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa ku guuleystay Xoghayaha Ururuka Nusoj kadib markii uu tanasulay Wariye Cali Baashi C/laahi oo ahaa musharixii la tartamaayay isaga.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here