Xaalada Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa caawa degan kadib dagaal u dhaxeeyay Labo maleeshiyo beeleed oo maanta ka dhacay Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne.
Gudoomiye Ku Xigeenka dhanka Amniga Ee Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdullahi oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu guuleystay xalinta dagaalka maanta ka dhacay xaafada howlwadaag ee Magaalada Beledweyne, caawana ay xaalada tahay mid aad u dagan.
Maxamed Ibraahim Cabdullahi Gudoomiye Ku Xigeenka dhanka Amniga Gobolka Hiiiraan waxa uu sheegay in kulan loogu hadlaayo dagaal maanta ka dhacay Xaafada Holwadaag ee Magalada Beledweyne in uu haatan ka socdo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan isla markaana qodobo laga soo saari doono.
Dagaalka maanta Xaafada Holwadaag ee Magaalada Beledweyne ayaa la sheegay in uu Yimid kadib markii labo ruux lagu dilay xaafada Holwadaag.

