Dhageyso:- Caruur ku Sumoobay Caano ay Cabeen

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in qoys daganaa Deegaanka Hog Dugaag ee duleedka woqooyi Magaalada Cadaado ay ku sumoobeen  saakay caano Ari.

Inta la xaqiijiyay 6-ruux ayaa ku sumowday Caanaha waxaana haatan la dhigay Isbitaalka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Si aan wax badan ugu ogaano arintaan waxaa qadka Taleephonka kula xiriirnay Hooyo xaawo Maxamed Barre oo ayeeyo u ah 3-kamid ah Caruurta ku sumoobay Caanaha waxa ay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegtay sida ay wax u dhaceen, iyo sida ay haatan Xaaladooda tahay.

Mudooyinkii dambe Tuulooyinka Hoos Yimaada Magaalada Cadaado waxaa laga soo sheegayay Caruur iyo dad ku sumoobay Caano ay Cabeen, iyadoo inta badan la geeyo isbitaalka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here