Wararkii Ugu Dambeeyay Howlgal Laga Sameeyay Deegaano Hoos Yimaada Degmada Afgooye

0

Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka Soomaliyeed ee  Danab ayaa Maanta weerar qorshaysan ku qaaday deegaano ay ka Taliyaan Maamulka Al-shabaab.

Ciidamada Danab oo kaashanaya kuwa Amisom ayaa weerar ku qaaday deegaanada Bariirre iyo Aw-dheegle oo hoos yimaada Degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

War kasoo baxay Taliska Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa lagu sheegay in Ciidamada sida Gaarka  ah u Tababaran ee Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa AMISOM  ay weerar ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale warka Taliska Xoogga Lagu sheegay In howlgal lagu soo furtay Maxaabis ay gacanta ku hayeen Al-shabaab iyo sanaad Malatari iyo sidoo kale in lagu soo qabtay saraakiil ka Tiran al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here