Maamulka Puntland  oo ka Hadlay Garabkii al-shabaab ee deeganada Puntland oo ku Biiray Ururka Daacish 

0

Maamulka Puntland ayaa ka Hadlay wararka ku aadan Garab ka mid ah al-shabaab oo ka dagaalamay deeganada Maamulka Puntland oo ku dhaqaaqay in uu ku biiray kooxda Daacish

Wasiirka amniga puntland cabdi xirsi cali qarjab oo wareysi Gaar ah siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan waxba soo kordhin doonin wararka ku aadan in garab kamid ah al-shabaab oo ka dagaalama deeganada Maamulka Puntalnd in uu ku biiray ururka daacish ee ciraaq iyo Syria ka dagaalama

Cabdi xirsi cali qarjab ayaa Tilmaamay in ay sii socon doonaan dagaalada u dhaxeeya al-shabaabka ka  dagaalama buuraha Gal-gala iyo Maamulka Puntland ku biiristooda kooxda daacishna aysan waxba soo kordhin doonin 

Hadalka wasiirka amniga puntland cabdi xirsi cali qarjab ayaa imaanaya xili garab kamid ah al-shabaab uu ku dhawaaqay in uu ku biiray ururka daacish oo sameyn ku leh wadamada Bariga dhexe

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here