Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee dowlada Soomaliya ayaa maanta u yeertay Hakan Aydin oo ah Madaxa Amniga shirkada Favori oo gacanta ku haysa Ammaanka Garoonka diyaaraha Aadan Cadde si Su’aalo looga Weydiiyo Qaraxii Diyaaradda Daallo Air Line lala beegsaday.
Maxkmada Ciidamada Qalabka sida ayaa ku eedeysay Shirkada Favori in ay shaqaalaysiisay dad aan waxba ka garaneenin qalabka wax lagu baaro ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa muddooyin dambe ku howlaneyd dhageysiga dacwadda loo heysto dad ku eedeysan in ay ku lug lahaayeen weerarkii diyaaradda Daallo Airline Lagu qaaday.

