Muwaadin Kenyaan ah oo Horey ugu Tirsanaa Al-shabaab oo La Dilay

0

Dabley Hubeysneed ayaa Degmada Kawaale ee dalka Kenya, waxa ay ku dishay nin kenyaan ah oo horey ugu tirsanaa Xarakada Al-shabaab balse dhawaan isku dhiibay Ciidamada ammaanka Kenya.

Subiira Suudi Mawangole ayaa  bishii Febraayo ee la soo dhaafay ka soo goostay Shabaab,waxaana uu  isku soo dhiibay ciidanka ammaanka dalka Kenya gaar ahaan kuwa ku sugan Degmada Kawaale ee dalka Kenya.

Dabely hubeysan ayaa ku weerartay hoygiisa oo ku yaala Degmada Kawaale ee dalka Kenya waxayna ku dileen halkaas iyagoo markii dambe ka baxsaday goobta sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan kenya.

Subiira Suudi Mawangole ayaa dhawaan isku dhiibay ciidamada amaanka degmada Kawaale ee dalka Kenya kadib markii uu muddo ka barbar dagalamayay Al-shabaab-ka soomaliya ka dagaalama,

Dhanka kale Dowlada Kenya ayaa cambaareysay falka lagu dilay ninkaan horey ugu tirsanaa Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here