Dowlada Mareykanka ayaa Faah-faahin ka bixiysay weerar ay Ciidamadeeda ka qeyb qaateen oo ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ee loo yaqaano Pentegon-ka ayaa sheegtay in ciidamada Cirka ee mareykanka in ay ka qeyb qaateen weerar ay Ciidamada Uganda iyo kuwa Dowlada Soomaliya ku qaadeen tuulooyin hoos yimaada Gobolka Shabeelaha Hoose Subaxnimadii Hore ee Saakay.
Captain Jeff Davis oo ah Afhayeenka waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ee loo yaqaano Pentegon-ka ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Mareykanka ay duqeeyeen Saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii ciidanka Uganda iyo kuwa Dowlada ay weerar lugta ah ay ku galeen deegaano ay Al-shabaab ku sugnaayeen.
Dowlada Mareykanka waxa ay sheegtay in weerarka uusan qasaaro kasoo gaarin, balse waxa ay sheegtay in duqeenta lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab kuwa kalana lagu dhaawacday.

