Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan ku guuleystay Doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti, markiisa Afaraad ayaa la shaaciyay in uu soo dhisay Xukuumad cusub oo madax uu ka yahay Raisulwasaarihii hore ee dalkaasi Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed.
Wakaalada Wararka IINA ee dalka Jabuuti oo warkaan tabisay ayaa sheegtay in Golaha wasiirada cusub ee dalka jabuuti lagu soo kordhiyay kuwa cusub taaso ka dhigan in Xukuumadan cusub ay ka kooban tahay 23 wasiir oo 12 ka mid ah ay yihiin kuwo cusub.
Dhawaan ayay aheyd markii Xilka Madaxweynaha dalka Jabuuti uu markiisa afaraad ku guuleystay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

