
Waxaa Maanta Magaalada Kampala ee dalka Uganda lagu Caleema-saaray Madaxweyne Yoweri Museveni, oo markii Shanaad ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalka Uganda bishii April aynu soo dhaafnay.
Madaxda caalamka ee ka qeybgashay xafladda Caleema-saarka Madaxweyne Musevani ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Tanzania John Magufuli, Madaxweynaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir, Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma iyo Madaxweynaha Niger Maxamed Mahamadou Issa Yofouf, iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Yoweri Museveni, oo qudbad ka jeediyay xaflada Caleema-saarka oo ka dhacday Fagaaraha Kololo ee bartamaha caasimadda ee dalka Uganda ayaa ku dhaartay in uu waxqabad wanaagsan la imaan doono mudada uu xilka hayo.
Yoweri Museveni, ayaa xukunka dalka Uganda kula wareegay si af-gambi ah sanadkii 1986-dii, waana hogaamiyaha ugu waqti dheer ee qaarada afrika 35-sano ayuu maamulayaa dalka Uganda, doorashadii markii 5-aad uu ku guuleystay ayaa ka dhigan in uu xukunka heyn doono tan iyo sanadka 2021-ka.









