Faah-Faahin dheeri ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo maanta ka dhacay deegaan dhaca duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga afrika ee amisom iyo Xarkada al-shabaab.
Deegaanka lagu dagaalamay ayaa lagu magacabaa Sabiid, waxaa la tilmaamayaa in dagaalka la isku adeegsday hubka noocyadiisa kala duwan.
Xarakada Al-shabaab oo dagaalka ka hadashay ayaa sheegtay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamo mareykan ah iyo kuwa AMISOM.
Warbaahinta Shabaab ayaa sheegtay inay ciidamada Shabaabka iska caabiyeen weerar dhanka cirka iyo Dhulka ah oo ay soo qaadeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Amisom.
Shabaabka waxa ay sheegeen Deegaanka Sabiid Buundada ku taal inay ka soo degeen labo Diyaaradood oo ay wateen ciidamada Mareykanka oo askar ay ka daateen.
Wali Dowlada Soomaliya kama aysan hadlin dagaalka maanta ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo maalmihii dambe Gobolka uu ka jiray dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo al-shabaab oo muddo ku sugnaa Gobolka.

