Barakac Xooggan oo Ka Dhacay Xaafado Ka Mid ah Baladweyn.

0

Xaafadda Kooshin oo Ka mid ah Xaafadaha Ku Yaalla Magaalada Baladweyn ayaa waxaa lagusoo waramayaa in Maanta uu ka socdo dibad bax xooggan oo ay sameynayaan dadka ku nool xaafaddaasi gaar ahaan laanta Kutiimbo.

Sababta keentay Barakaca ayaa lagu sheegay kadib Markii xaafaddaasi uu ku fatahay Wabiga Shabeelle ee Mara Magaalada Baladweyn islamarkaana uu saameyn xooggan ku yeeshay dadkii ku noolaa xaafadda fatahaaddu ka dhacday kuwaasi oo saameyn ay ka gaartay guryihii iyo goobihii ganacsi ee ay ku lahaayeen Magaalada Baladweyn gaar ahaan Xaafadda Kooshin.

Dadka ayaa u barakacaya deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Magaalada Baladweyn halkaasi oo ah dhul jog sareeya oo dhagxaan leh islamarkaana aysan gaarikarin fatahaadda wabiga si dhaqso ah.

Mid ka mid ah dadka Barakacay oo Xilli uu barakacayey la hadlay Idaacadda Simba ayaa sheegay in ay jirto saameyn xooggan oo ka dhalatay fatahaadda Wabiga shabeelle uu ka geystay Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan xaafad ka mid ah,isagoona intaa ku daray in dadku si iskood ah ay u guureen aysanna jirin cid ku taageeraysa daabulidda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here