Ciidamada Dowladda Ethiopia oo shalay iyagu gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa lagusoo waramayaa in ay maanta isag baxeen degmadaasi, gaar ahaan garoonka diyaaradaha Magaalada oo ay shalay la wareegeen.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay barqanimadii Maanta isaga baxeen degmada iyagoo u jiheystay dhankaa iyo Magaalada dhuusa-mareeb oo markii hore ay ka yimaadeen.
Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Cadaado Shaaribba Cadde ayaa u sheegay Radio Simba in Ciidanka Ethiopia ay ka baxeen Magaalada Markii horena ay ku yimaadeen dalabka Maamulka Galmudug markii dantooda ay dhameysteenna ay ka baxeen Magaalada iyagoon dhibaato geysan.
Dhinaca Kale Guddoomiye ku xigenka oo sii hadlaya ayaa sheegay in Maanta Magaalada ay ka baaqdeen Wafuud ka socota Ethiopia oo la filayey in ay tagaan Magaaladaasi,kuwaasi oo lagu wado in dhawaan dhax-dhaxaadin ka dhax bilaabaan Maamulada Galmudug iyo Ahlu-sunnada gobolada dhexe.
Ciidamada Dowladda Ethiopia ee gaaray Magaalada Cadaado ayaa shalay illaa Saaka barqadii waxaa ay ku sugnaayeen Magaalada Garoonka diyaaradaha Magaald Cadaaado oo ay amnigiisa si buuxda ula wareegeen.

