
Raisulwasaraha Dalka Ingiriiska David Cameroon oo Xalay ka qeyb galay Xaflad ay Dhalashadeeda ugu dabaal-dagaysay Boqorada dalka ingiriiska Queen Elizabeth ayay Cemeradaha qabteen isagoo Boqorada kala hadlaya Wadamada ugu musuq-maasuqa badan Caalamka.
David Cameroon oo ka qeyb galay Xaflada ay ugu dabaal-dagaysay Dhalashadeeda Boqorada dalka ingiriiska Queen Elizabeth oo xiligaan gashay da’da 90-ka ayaa daqiiqado kooban waxa uu boqorada kala hadlay wadamada ugu musuq-maasuqa badan Caalamka.
“Wadamada ugu musuq-maasuqa badan Caalamka waxaa kamid ah Nageria iyo Afghanistan ayuu yiri David Cameroon xili uu wada sheekeysi gaaban uu dhexmaray isaga iyo Boqorada dalka Ingiriiska.
“Waxaan helnay qaar kamid ah Hogaamiyaasha ku wanaagsan dhanka Musuq-maasuqa oo imaan doono dhawaan dalka Ingiriiska ayuu u sheegay David Cameroon Boqorada dalka ingiriisska “Nigeria iyo Afghanistan labadaba waa kuwa ugu musuq-maasuqa badan Caalamka.
Maalinta bari oo Khamiis ah ayaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaa lagu qaban doonaa shirka loogu hadlaayo Musuq-maasuqa Caalamka.
