Dowlada Bangladesh oo Xukun Dil ah ku Fulisay Hogaamiyihii Xisbiga Jamaacatul Islaami

0

Dowlada Bangladesh ayaa xukun dil ah waxa ay ku fulisay Gudoomiyihii Xabsiga Jamaacatul Islaami  Mudhiicu Raxmaan Nidaami.

Xukunka dilka ayaa dhacay saqdii dhexe ee xalay, waxayna dowlada Bangladesh ay ku eedeysay Mudhiicu Raxmaan Nidaami,  In uu geystay  falal dambiyeeydo dagaal intuu socday dagaalkii u dhaxeeyay dowladaha  Bangladesh  iyo Pakistaan Sanadkii 1971-dii.

Dilka intaan lagu fulinin Mudhiicu ayaa loo ogolaaday in uu la kulmo Xaaskiiisa iyo Caruurtiisa waxaa ku sugnaa goobta uu xukunka dilka ka dhacay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Bangladesh.

Dhanka kale waxa si weyn loo adkeeyay Amaanka Magaalada Caasimada ee Dhaka iyo Magaalooyinka Kale intuu dhacayay Xukunka dilka.

Dalka Bangladesh ayaa kamid ah dalalka inta badan laga fuliyo Xukunada dilka ah hay’adaha Xaquuqul insaanka ayaa Cambaareeyay arintaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here