Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay Manusaabadda Caleemo Saarka Madaxweynaha Jabuuti.

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka 08-May-2016 ka qayb galay caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda ka socota xarunta  guriga ummadda ee dalka Jabuuti.

Madaxweynaah  Puntland ayaa intii uusan ka qayb gelin munaasabadda caleemo saarka ka hor waxaa uu kulamo kala duwan oo isugu jira salaan iyo is waraysi guud  kula qaatay Hotel Kempinski Ugaas Mustafe Rooble oo ah ugaaska guud ee Beesha Ciise iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Jabuuti.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigiisa ayaa si aad u meeqaam sarraysa loogu soo dhoweeyey xarunta guriga ummadda oo ay ka socoto munasaabadda caleema saarka Madaxweynaha dalkaasi Jabuuti.

Munaasabadda Caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa sidoo kale ka qayb geleya Madax badan oo ka kala timi waddada adduunka oo ay ku jiraan madaxda kala duwan dalka Soomaaliya iyo qaaradda Afrikaba.

Waa markii Afraad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle loo doorto  xilkaasi,

3b188706-d2ad-46d2-9c05-00a0035698e6 4f4d3a20-20b1-4f2d-944a-c3c30da15a5a 6c64d071-f52e-4f17-b949-c6ee6bc8a5a1 97a73ecf-7e08-4bd5-b433-8409be6f5b89 b8e3cb3c-e718-4a73-adda-1edae63a249a baa7d406-0457-4458-ba87-eb51c42161dd

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here