Kadib markii Todobaadkii aynu soo dhaafnay Warbaahinta dalka Uganda ay baahisay in Taliska Uganda iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweeri Museveni ay isku af-garteen in ciidamada Uganda ee ku sugan wadamada jamhuuriyada Afrika Dhexe iyo Soomaliya in loogu soo saaro 2 isbuuc gudaheeda, ayaa warkaas waxaa maanta beenisay Dowlada Uganda.
Afhayeenka Ciidanka Uganda Colonel Paddy Ankunda oo la hadlay Telefishinka NTV-uganda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku aadan in ciidamada Uganda laga soo saari doono Gudaha Soomaliya Todobaadyada soo socda.
Colonel Paddy Ankunda waxa uu tilmaamay In dowlada Uganda iyo Taliska oo kaliyaha isku af-garteen in dib u eegis lagu sameeyo dhaq-dhaqaaqyada Ciidamada Uganda ee ku sugan labada wadan, balse ay warbaahinta u dhigtay dhinac kale oo ah in Ciidamada Uganda laga soo saarayo gudaha Soomaliya.
Afhayeenka Ciidanka Uganda Colonel Paddy Ankunda ayaa ka hadlay arinta ku aadan mushaaraadka ay ka cabanayaan Ciidamada Uganda ee soomaliya ku sugan kadib markii Midowga Yurub uu sheegay in uu jaray 20% dhaqaalihii AMISOM la siinayay,
Wuxuu Yiri“Taasi haba yaraatee waxba u dhimayso Moraalkeenna. Waxay qaataan mushaar buuxa marka ay ku soo laabtaan dalkooda hooyo”

