Ganacsade Caawa Lagu Dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug

0

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug qeybta Maamulka Puntland  ayaa Sheegaaya in Maqribnimadii caawa Magaaladaas Lagu dilay nin Ganacsade ahaan oo si weyn loogu yaqaanay Magaaladaas.

Ganacsadaha la dilay oo la sheegay sidoo kale inuu ahaa Maamulaha Shirkadda isgaarsiinta Somtel qeybteeda Gobolka Mudug, waxaa lagu magaabi jiray Cumar Dheere wuxuuna dilkiisa ka dhacay meel u dhow Masaajidka Salaama oo uu Dallaada Maqrib ku Tukadey.

Raga fuliyay dilka Ganacsadaha ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay waxaa durbadiiba soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland oo wali goobta kawada Howlgalo lagu doonayo in lagu soo qabto Ragii ka dambeeyay dilka Ganasadaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here