Banaanbax uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir laguna taageerayay Howlgalada ciidamada dowlada soomaliya AMISOM. iyo xil ka qaadistii Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa maanta ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay banaanbaxa lagu Taageerayay howlgalada ciidamada dowlada Soomaliya iyo xil ka qaadistii Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka abuukaate Ceydiid Ilka-Xanaf.
Ugu horeyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo goobta kula hadlay boqolaal dadweyne ah ayaa sheegay in ujeedka Banaanbaxa uu yahay in lagu taageero go’aankii Madaxweynaha xilka uga qaaday Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee dalka Ceydiid Ilka Xanaf, iyo howlgalada ay ciidamada dowlada soomaliya ka wadaan qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.













