Inta la xaqiijiyay 2-askari iyo qof shacab ahaa ayaa ku dhaawacmay kadib markii Ciidamo ka Tirsan kuwa Booliska dowlada soomaliya qarax bambaano lagu tuuray xili ay marayeen nawaaxiga Masaajidka abuu-Hureyra ee Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Dad ku sugnaa goobta oo falkaan ka dhacay ayaa idaacada simba u sheegay in ciidamada lagu tuuray bambada, isla markaana ay qasaaro soo gaareen dad shacab ahaa iyo 2-askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya.
Dhanka kale ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya rasaas ay fureen ayaa la sheegay in waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab ahaa oo ka ak dhawaa halka uu qaraxa bamka ka dhacay.

