Abuukaate Ceydiid Ilka-Xanaf oo Aqbalay Xil ka Qaadistii Dhawaan Lagu Sameeyay+Dhageyso  

0

Caydiid C/laahi ilka xanaf guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee dalka oo dhawaan digreeto Madaxweyne xilka  looga qaaday ayaa Markii ugu horeeysay tan iyo xilligaas waxaa uu ka hadlay xil ka qaadista uu ku sameeyey Madaxweyanaha Soomaaliya.

Abuukaate Caydiid ilka Xanaf oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay  in uu diyaar u yahay baneeynta xilka uu hayo isaguna uu garawsaday in uu xilka ka dago iyadoon cidna ku qasbin sida uu warka u yiri.

Isagoo ka hadlayey waxa ku qasbay xil ka dagista ayuu sheegay inuusan raacin warkii madaxweynaha balse uu yahay nin soo shaqeeyey sidaa awgeedna uu isagu si iskii ah uu u garawsaday arintaan ka hor digreetada Madaxweyanahana uu qorsheynayey inuu xilka ka dgo sida uu yiri balse intuusan go’aan gaarin uu madaxweynuhu ka hor dhacay.

Ciddii la rabo haloo magacaabo xilkayga,Waan soo shaqeeyey aniga ayaana go’aansaday inaan iska casilo xilka Guddoonka Maxkamadda sare  ee dalka iyadoon cidna ku qasbin siyaasadana uu ka fariistay.

Go’aankaan iscasilaadda lagu sheegay ee uu ku Dhawaaqay Caydiid ilka xanaf ayaa meesha ka saaraya Mooshin xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanku ay wadeen oo ay ku diidanaayeen xil ka qaadista guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka.

Halkaan Hoose ka dhageyso wareysi Gaar ah uu siiyay Idaacada simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here